Ku so dhawada Degmada Qoryooley

Seddexleyda Messi Oo U Sahashay Barcelona Inay Rikoor Cusub Dhigato. 05/02/2011

Picture
Seddexleey cajiib ah oo uu dhaliyay Lionel Messi ayaa Barcelona u xaqiijisay inay badiyeen kulankoodii 16aad ee isku xiga iyagoo jabiyay rikoorkii  50 sanno yiilay ee  dhigtay kooxda ay xafiiltamaan ee Real Madrid oo wagaas 15 jeer oo isku xigta badisay.

Laacibka reer Argentina ayaa goolkiisa hore furay daqiiqadii 17aad ee ciyaarta ka hor inta uusan labeynin 11 daqiiqo ka dib. Waxa uu seddexleydiisa (hat-rick) dhameystirtay daqiiqadii 79aad ee ciyaarta taasoo Barcelona u fududeysay inay si sahlan ku garacaan kooxda Atletico Madrid.

Guusha ayaa kooxda Catalan waxa ay ka dhigeysaa inay 10 dhibcood ka horeyso kooxda Real Madrid , iyadoo kooxda Caasimada ka dhisan ay maanta la ciyaari doonto kooxda Real Sociedad.

Lionel Messi ayaa 3 gool ee uu dhaliyay kooxdiisa Barcelona wax ay ka dhigeysaa inuu hogaanka u qabto gool dhalinta horyaalka Spain isagoo haatan leh 24 gool, halka Ronaldo oo maanta ciyaari doona uu leeyahay 22 gool.

Kooxda horyaalka heysata ayaa u safri doonta todobaadka soo socda kooxda Sporting halka Atletico Madrid ay qaabili doonta kooxda Valencia.

Kulamadii kale ee dhacay kooxda Almeria waxa ay 3 gool iyo 2 ku goosatay kooxda Espanyol, halka Athletic Bilbao ay 3 gool iyo waxba u dhiibtay kooxda Sporting Gijon, Getafe ayaa si fudud 4 -1 ugu dhaaftay kooxda Deportivo La Coruna. Osasuna iyo Mallorca ayaa isku macslaameeyay barbaro 1-1 ah. Zaragoza iyo Racing Santander ayaa natiijo la mid ah 1-1 ku kala baxay, Villareal waxaa garoonkeeda hal iyo eber uga badisay kooxda Levante.

Dhinaca 10ka kooxood ee ugu horeeya horyaalka Spain

1 Barcelona 61 2 Real Madrid 51 3 Villarreal 45 4 Valencia 41 5 Athletic Bilbao 38 6 Espanyol 37 7 Atletico Madrid 30 8 Getafe 30 9 Sevilla 30 10 Real Sociedad 21 28
tafatiraha yuusuf ahmed ali (jaa)
[email protected]
qoryooleynet.weebly.com

Messi Oo Murqo Xanuun Soo Wajahay Ka Hor Kulanka Arbacada Ee Argentina Iyo Portugal 0702/2011

Picture
Leo Messi ayaa ka qeyb qaadanin tababarka xulka dalkiisa uu ku qaadanayo dalka Switzerland sababo la sheegay murqo xanuun, isagoo arbacada dalka Switzerland kula kulmi doona xulka Portugal iyo laacibkooda Cristiano Ronaldo.

Sida ay qortay jariirada  Marca, Messi ayaa ku haray Hotel kiisa isaga iyo dhaqtar ka mid ah dhaqaatiirta xulka ka dib markii muruq xanuun uu haleelay,  Aragaus oo ah dhaqtarkii ku haray Messi ayaa xaqiijiyay inay aheyd digtoonaasho si xaalka loo ogaado.

“Leo wax badan ayuu shaqeynaayay, waxaana uu Hotelka u joogay in digtoonaasho laga muujiyo xaalkiisa” ayaa laga soo xigtay Aragaus.

Kaliya 9 ciyaaryahan ayaa ka qeyb gashay tababarkii ugu horeeyay ee xulka Argentina ee ka socda magaalada Nyon ee Switzerland.

Ciyaartaan oo hore loogu waday inay ka dhacdo magaalada London gaar ahaan garoonka kooxda Arsenal ee Emirates ayaa laga weeciyay waxaana ay ka dhici doontaa Switzerland maalinta arbacada ah.
 
tafatiraha  yuusuf (jaa)
[email protected]
qoryooleynet.weebly.com

6 Ka Mid Ah Ciyaartoyda Barca Oo Ku Jira Kooxda UEFA 2010 Ee La Magacaabay. 19/01/2011

Picture
Lix ka mid ah ciyaartoyda kooxda Barcelona oo ay wehliyaan goolhaye Iker Casilas iyo Jose Mourinho oo Real Madrid ah ayaa ku jira kooxda UEFA ee 2010 oo maanta la magaacabay.




Sawirka Ku Dhufo Si Aad U Weyneyso

Ciyaartoyda kooxda Blaugrana ee kala ah  Gerard Pique, Carles Puyol, Xavi, Andres Iniesta, Lionel Messi iyo David Villa  iyadoo shan ka mid ah ay ku guuleysteen koobkii adduunka ee lagu qabtay Koonfur Afrika.

Kooxdaan ayaa waxa u codeeyay ilaa 400 kun oo aqristayaasha website UEFA ah waxaana ay soo socotay dhowr bilooad waana mid sanad kasta la soo saaro oo ah kooxda Yurub.

Puyol ayaa markii 6aad ee isku xigta soo galaya kooxda yurub ugu fiican waxaana UEFA ay siineysaa ciyaaryahan kasta 100 kun oo yuuro oo uu ciyaaryahanku sheeganayo halka sadaqo ahaa loogu bxiinayo.

Kooxda La Magacaabay Waa Sida Tan:

Goolhaye: Iker Casillas (Real Madrid)

Defac: Maicon (Inter), Gerard Pique (Barcelona), Carles Puyol (Barcelona), Ashley Cole (Chelsea)

Khad Dhexe: Cristiano Ronaldo (Real Madrid), Xavi Hernandez (Barcelona), Wesley Sneijder (Inter) Andres Iniesta (Barcelona)

Weeraryahan: Lionel Messi (Barcelona), David Villa (Barcelona).

Tababare: Jose Mourinho (Real Madrid)

 tafatiraha cabdulaahi malung
[email protected]
qoryooleynet.weebly.com

20 Kun Taageerayaal Oo Brazil Ku Soo Dhaweeyay Ciyaaryahan Ronaldinho. 13/01/2011

Picture
Ronaldinho ayaa sidii geesi oo kale ay taageerayaal kor dhaaafaya 20 kun ay ku soo dhaweeyeen kooxda Flamengo ee dalka Brazil


Heesayaal iyo kuwa qoob ka ciyaarka ayaa xadflad iyo dabaaldeg weyn ku soo dhaweeyay 30 jirkaasi oo si rasmi ah ugu biiray kooxda Flamengo isagoo ka soo tagay kooxda talyaaniga ee AC Milan.

Ciyaaryahankii labo jeer ku guuleystay laacibka aduunka ayaa helay soo dhaweyntii uu helay halyaykii kooxda Flamengo Zico 1985tii markii uu kooxda kaga soo biiray kooxda Rio.





Ronaldinho By Brazil

Picture
Ronnie ayaa taageerayaasha u sheegay war ka kaliya ay doonayeen inay maqlaan oo ah inuu doonayo inuu kooxda kula guuuleysto koobab iyo inuu Brazil ka caawiyo inay mar kale adduunka u taliso.

‘Dad badan Brazil waxa ay ugu soo laabtaan inay mustaqbalkooda ciyaareed ku soo gabgabeeyaan lakiinse aniga koobka aduunka ee 2014ka iyo ciyaaraha olombikada ee 2012ka ayaa igu dhiiro geliyay inaan soo laabto” ayuu yiri dinho oo rajo ka qaba inuu mar kale ka dhex muuqdo xulka Brazil ka dib markii laga tagay koobkii aduunka ee sanadkii hore.

Ronaldinho ayaa wadankiisa ka tagay sanadkii 2001da waxa uu markaasi ku biiray kooxda Faransiiska ee Paris St Germain wuxuu kaga sii gudbay kooxda Barcelona, isagoo dabadeedna saldhig ka dhigtay garoonka Sansiro, balse haatan ayuu mar kale Brazil ku soo laabtay.

‘Waxaan doonayaa in magaca Flamengo aan meel sarre geeyo inaan ku guuleysto koobab  badan intii macquul ah iyo inaan jaceylka taageerayaashan u soo gudo” ayuu hadalkiisa raaciyay.


Ranoldinho by Brazil

Picture
Ronaldinho ayaa wadankiisa ka tagay sanadkii 2001da waxa uu markaasi ku biiray kooxda Faransiiska ee Paris St Germain wuxuu kaga sii gudbay kooxda Barcelona, isagoo dabadeedna saldhig ka dhigtay garoonka Sansiro, balse haatan ayuu mar kale Brazil ku soo laabtay.

‘Waxaan doonayaa in magaca Flamengo aan meel sarre geeyo inaan ku guuleysto koobab  badan intii macquul ah iyo inaan jaceylka taageerayaashan u soo gudo” ayuu hadalkiisa raaciyay


Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentina Lionel Messi ayaa xalay ku guuleystay biladda ciyaaryahanka sanadka 2010 ee FIFA Ballon d'Or   11/01/2011

Picture
Lionel Messi oo noqday ciyaaryahanka sanadka 2010










Ciyaaryahanka caanka ah ee reer Argentina Lionel Messi ayaa xalay ku guuleystay biladda ciyaaryahanka sanadka 2010 ee FIFA Ballon d'Or.
Tartan ka dhacay Zurich ayaa waxaa kasoo qeyb galay in ka badan 23-ciyaaryahan, tababarada kooxaha waaweyn iyo tababarada aduunka.

Sadex ciyaaryahan ayaa isugu soo haray finalkii doorashada Ballon d'Or *2010*, waxaana ay kala ahaayeen Xavi Hernandez (Spanish), Andres Iniesta (Spanish) iyo Lionel Messi oo kasoo jeeday dalka Argentina.

Mida ugu yaabka badan ayaa aheyd sadexda ciyaaryahan ee finalka isugu soo haray dhamaantood waxa ay u ciyaaraan kooxda Barcelona ee ka diiwaan gashan dalka Spain.

"Aad ayaan u faraxsanahay, mana sugeyn guushan caawa, sababtoo ah dadkoo dhan waxa ay hadal hayeen Xavi iyo Andres", ayuu yiri Messi guushiisa kadib.

Dhanka kale waxaa iyanadana loo doortay ciyaaryahanada sanadka ee dhanka dumarka Marta oo kasoo jeeda dalka Brazil.

Biladdan ay ku guuleysteen Messi iyo Marta ayaa waxaa ay tahay laba biladooda oo la isu geeyay kuwaasoo ka kala socday FIFA iyo France Footballs, waxaana la wadaajiyay magaca " FIFA Ballon d'Or".



                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                                

Picture

Barcelona Oo Dhulka Ku Jiiday Deportivo La Caruna, Welina Ku Dhegan Hogaanka Horyaalka 10/01/2011

Picture
Barcelona ayaa si fudud 4 gool iyo waxba ugu garaacday kooxda Deportivo
 LaCoruna garoonkeena Riazor iyadoo haatan 5 dhibcood ku hogaamineysa horyaalka Spain, inkastoo hal real Madrid ay ciyaar u harsan tahay habeen danbe.

David Villa ayaa furay goolka qeybtii hore ee ciyaarta waxaana uu ahaa gool ka kaliya ay dhalisay Blaugrana qeybtii hore ee ciyaarta. Lionel Messi ayaa goolka labaad ku daray isagoo dhaliyay laad xor ah, halka Andres Iniesta uu goolka 3aad dhaliyay, Pedro ayaa ciyaarta malab ku sii daray oo dhaliyay goolkii 4aad taasoo keentay in Barcelona ay si fudud 3da dhibcood ku qaadato.

Natiijada caawa ayaa Barcelona waxa y ku hogaamineysaa 49 dhibcood, sidoo kalena kulamadii caawa dhacay kooxda Sevila ayaa dhabaha guusha qaaday ka dib markii 3 gool iyo 2 ay kaga badisay kooxda Real Sociedad, Kanoute ayaa labo gool u dhaliyay Sevilla halka Luis Fabiano uu dhaliyay goolka 3aad ee Sevilla.

Malaga iyo Athletic Bilbao ayaa iyagana ku heshiiyay inay dhibcaha kala qaatan ka dib markii ay ciyaartooda ku soo dhamaatay 1 iyo 1.




Thierry Henry Oo Ku Laabtay Arsenal Si Uu U Tababaro Weeraryahanada Arsenal. 10/01/2011

Picture
Weeraryahankii hore ee kooxda Arsenal  Thierry Henry ayaa dib ugu soo laabtay kooxdiisi hore maantii axada si uu ugu tababaro weeraryanada da’da yar ee kooxda Arsenal sida uu maanta shaaciyay waregyska The Sun.

Henry, oo u ciyaara kooxda  New York Red Bulls, ayaa lagu soo waramayaa inuu kooxda Arsene Wenger la sii joogi doono ilaa 19ka bishan Janaayo ka dibna uu dib ugu laaban doono dalka Mareykanka.

Waxa uu weeraryahanka doonayaa inuu caafimaad ahaan taam noqdo ka hor inta uusan ku laaban Mareykanka oo uusan bilaaban horyaalka cusub, waxaana haatan uu leyliyo la sameynayaa weeraryahanada Arsenal.

Halyeeyga kooxda Gunners ayaa waxa uu si gaar waqti badan la qaadan doonaa Theo Walcott, kasoo uu Arsene Wenger rabo inuu ka soo bedelo garab kana dhigo weeraryahan sidii uu ku sameeyay Thiery Henry oo kale.

tafatiraha
yuusuf ahmed ali (yuusufjaa)
qoryooleynet.weebly.com
[email protected]

Isku Aadka Koobka Horyaalada Qaarada Yurub Ee Wareega 16ka Oo La Soo Saaray  10/01/2011

Picture
Kooxahii sanadkii hore finalka ku kulmay ee  Inter iyo Bayern Munich ayaa markan ku kulmi doona wareega 16ka. Diego Milito ayaa u hogaamiyay kooxda Inter inay qaado champions League sanadkii hore halka kooxda Jarmalka ay haatan dooneyso inay aarsato.

Ciyaar kale oo xiiso leh waa Arsenal vs Barcelona. Kooxda reer Spain waa ay u awood sheegatay sanadkii hore kooxda Gunners, sidoo kalena 2006dii waxa ay ka qaaday koobkii horyaalada qaarada yurub.

Kooxda reer Spain  Real Madrid oo ka mid ah kooxaha loo saadaalin karo koobkan ayaa waxa ay tahay inay meel iska saarto  Olympique Lyonnais waa hadii ay rabaan inay ka gudbaan wareegan mucjisada ku noqday. Kooxda Faransiiska ayaa ku tuntay Madrid wareega 16ka xilli ciyaareedkii hore ma laga yaabaase inay mar kale madax xanuunkaasi kalifto.
Isku Aadka Iyo Sidii U Dhacay:

Roma vs Shakhtar Donetsk
Milan vs Tottenham
Valencia vs Schalke
Inter vs Bayern Munich
Lyon vs Real Madrid
Arsenal vs Barcelona
Marseille vs Manchester United
Copenhagen vs Chelsea
  • Arsenal, Chelsea, Manchester United, Tottenham.
  • Barcelona, Real Madrid, Valencia
  • Inter Milan, Ac Milan, As Roma
  • Bayern Munich, Schalke 04
  • Lyon, Marseille
  • Copenhagen, Shakhtar Donetsk



Cristiano Ronaldo Iyo Ricardo Kaka Oo Quusiyay Villarreal. 10/01/2011

Picture
Ciyaaryahan Cristiano Ronaldo ayaa dhaliyay 3 gool (hat-rick) ka dib markii kooxdiisa ay 4 gool iyo 2 ku garaacday kooxda Villarreal, waxana guushaasi ay siisay in Weli Barca ay ka horeyso 2 dhibcood oo kaliya          

                                                             
Ciyaaryahan reer Portugal Ronaldo ayaa goolasha uu dhaliyay xilli ciyaareedkan waxa ay gaarayaa 22 gool oo horyaalka ah, waxaana 3da gool uu kala dhaliyay daqiiqadihii 8daad, 44aad, 78aad halka goolka 4aad uu dhaliyay laacibka reer Brazil Kaka oo garoomada dhaawac kaga maqnaa mudooyinkii u danbeeyay.

Guushii ay Barcelona ku garaacday Deportivo La Coruna 4 gool iyo waxba ayaa cadaadis Real Madrid ku saartay inay badiyaan kulankii xalay dhacay.

“Weli waxaan gudanayaa shaqadeyda, goolashaan ma dhaliyeen hadii aysan ahaan laheyn asxaabteyda” ayuu yiri Ronaldo oo ciyaarta ka dib saxaafada la hadlay.

“Wado dheer oo xilli ciyaareedka ayaa weli na sugeysa waxana rabaa inaan qaabkan wado oo Real Madrid ka caawiyo guulaha muhim ka ah” ayuu hadalkiisa raaciyay.

“Taageerayaasha aad ayay u fiicnaayeen caawa, waana ay i cajabiyeen, waxaan ogaanay awoodooda qeybtii danbe ee ciyaarta markii aan gadaal dagaal ka soo bilownay” ayuu hadalkiisa ku soo koobay.

Tababaraha Real Madrid ayaa ku dabaal dagay geeska garoonka isagoo ka careysiinaya tabaraha Villarreal waxaana Tababare Carlos Garrido la siiyay calaamada casaanka ka dib markii uu ka murmary goolkii 3aad ee Ronaldo oo uu yiri waxa uu ahaa Offside.

“garsoorayaasha waxa ay ka baqayaan inay qalad sameyaan marka Real Madrid ay ciyaareyso balse kooxaha kale ma fiiriyaan” ayuu yiri Garrido oo careysnaa.

“Waxaa jira 3 jeer oo ciyaartoyda Real ay aheyd in calaamada hurdiga la siiyo lakiin ma aysan dhicin, goolka 3-2 da ahaa waxa uu ahaa mid offside ah labo ka mid goolashoodana saas oo kale ayay aheyd: ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Kulamadii Kale Ee Dhacay Waxa Ay U Dhaceen Sida Tan:

Espanyol 4 -0 Zaragoza

Mallorca 4-1 Almeria

Osasuna 0-0 Getafe

Racing Santander 1-1 Sporting Gijon

Levante 0-1 Valencia

Dhinaca Kala Horeynta:

Dhibcaha Barcelona 49 Real Madrid 47 Villarreal 36 Valencia 34 Espanyol 31 Atletico Madrid 27 Getafe 27 Mallorca 27 Athletic Bilbao 26 Sevilla 26 Dhinaca Gool Dhalinta:

1- Cristiano Ronaldo – 22 gool

2- Lionel Messi 18 gool

3- David Villa 12 gool

4- Fernando L Torres 11 gool

5 – Nilmar 10 gool


Dhinaca Kala Horeynta: dhibcaha
1

Picture
Barcelona    49

2

Picture
Real Madrid 47

3

Picture
Villarreal 36

4

Picture
Valencia 34

5

Picture
Espanyol 31

AC Milan Oo Gabaad Ugu Jirta Difaaca Roma Philippe Mexes. 10/01/2011

Picture
Daafaca kooxda Roma Philippe Mexes oo uu qanadaraaskiisa ku eg yahay dhamaadka xilli ciyaareedkan ayaa lagu soo waramayaa in Ac Milan dooneyso inay la soo wareegto.
Ciyaaryahan difaaca dhexe ee Faransiiska u dhashay ayaa diiday heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda AS Roma, waxaana uu u fasaxan yahay iuu kooxda uu doono ku biiro dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu mar kale diido inuu Roma heshiis cusub u saxiixo.

Majalada Le Parisien ayaa soo wareineysa in Rossoneri ayaaba ku talo ku jirto inay ciyaaryahankaasi 28 jirka ah la soo wareegto bishan si ay ugu dabaash oo uu bedel ugu noqdo Alessandro Nesta oo dhaawac ku maqan hatan.

Mexes ayaa ilaa iyo haatan si fiican u ciyaaraya in kastoo heshiis cusub uusan weli si rasmi ah mar kale uga imaan  Stadio Olimpico.

Milan ayaa in badan xiiseyneysay laacibkan Mexes waxaana ay doonayaan hadii ay Janaayadan waayaan in dhamaadka xilli ciyaareedka ay isku dayaan mar kale,



Syria oo saudi arbia ka badisay iyo jordan iyo japan isku dhinac dhacay  9/01/2011

Picture
 ciyaara aad u xiisan ayaa dhexmartay xulalka Syria iyo Saudi Arabia , Jordan iyo Japan ciyaara ka tirsan koobka Qaaradda Asia oo si habsami leh uga socda dalka Qadar oo katirsan Khaliijka Carabta. 

Xulka Qaranka Syria ayaa kabadiyay xulka Sa'udi Arabia kadib markii uu kulankoodii ku soo idlaaday 2-gool iyo hal gool oo guusha ku raacday dalka Syria.
Syria goolalka waxaa u dhaliyay laacibkooda A.A. Hussain, halka Sa'audi Arabia uu goolka qura ay latimid u dhaliyay A. Jassem.

Dhinacakale waxaa ciyaar aad u xiisa badan ay dhexmartay xulalka wadamad Jaban iyo Jordan, taasoo ku soo idlaatay Bar barro gool iyo gool ay labada xul isla dhaafi waayeen.

AC milan oo udinese bar baro lagashay iyo Roma oo laxasuuqay serie A_da talyaaniga  9/01/2011 

Picture
kooxaha AC Milan iyo Udinese oo ciyaar aad u xiisa badan ay dhexmartay ayaa ismari waayay kadib markii uu kulankoodii bar barro ku soobaga gaboobay ciyaar ka tirsan   Serie A-da Talyaaniga, halka kooxda AS Roma guul darra dhabarka loosaaray. 

Kooxda AC Milan iyo   Udinese ayaa isla dhaafi waayay min 4-gool, waxaa goolasha ukala dhaliyay kooxda AC Milan A. Pato oo 2 gool dhaliyay, M. Benatia iyo Z. Ibrahimovic oo  ciyaarta bar barro ka dhigay kana bad baadiyay kooxdiisa guul darra. Sidookale Kooxda Udinese  waxaa goolasha u kala saxiixay laacibiinta kala ah, A.D. Natale oo laba gool dhaliyay, A. Sanchez iyo G. Denis, waxaana kaarka Huruudka ama Jaalaha ka qaatay G. Inler iyo G. Pasquale. Dhinaca kale waxaa guul darra kala kulmay Sampdoria kooxda AS Roma oo 2 gool iyo 1 gool lagu garaacay, taasoo aad u niyad jebisay maamulka iyo taageerasha AS Roma. Intar Milan ayaa  2 iyo 1  ug badisay kooxda Catania waxaana labad gool u dhaliyay Inter Milan laacibkooda E. Cambiasso, waxaana kaarka huruudka kaqaatay I. Cordoba   iyoLucio, halka kooxda Catania goolka uu u dhaliyay A.D. Gomez waxaana isana la siiyay Jaale. Kulamada Serie A-da Talyaaniga ee caawa laciyaaray Sidan ayay ku soo dhamaadeen:- Sampdoria 2 - 1 AS Roma AC Milan 4 - 4 Udinese Bari 0 - 2 Bologna Catania 1 - 2 Inter Milan Cesena 0 - 0 Genoa Chievo 0 - 0 Palermo Fiorentina 3 - 2 Brescia Lazio 1 - 2 Lecce Parma 1 - 2 Cagliari  

manchester united oo goal muran ku jira uga badisay liverpool

Picture
kooxda kubadda cagta ee Manchester United ayaa gool rigoora ah oo muran ku jira uga
badisay ciyaar katirsan FA CUP-ka kooxda Liverbool kadib markii uu go'aan uu ku
deg degay  inay Rigoora tahay Garsoorhii ciyaarta oo
 lagu magacaaba Howard Webb. 


Kadib markii lagu sooceliyay Qaladkii uu Garsoore Howard Webb ku dhigay rigoorada ayaa la o
gaaday inuu go'aanksi uu ku dhigay gool ku laadka uu qaldanaay.

Rigoorada ay ku badisay Manchester United  waxaa u dhaliyay Ryan Giggs, waxaana Calaamadda
Cassaanka ah kooxda Liverpool ka qaatay Kabtanka kooxdaasi Steven Gerrard kadib markii
uu qalad ku galay Michael Carrick.

Guul darrada Liverpool ay kala kulantay Manchester United waxay si weyn u
dhaawacday macalinka cusub ee kooxdaasi  King Kenny Daglish maadaama
ciyaartii ugu horeysa laga badiyay kooxdiisa.

Dhinaca kale Chelsea oo maalmahaan calankeedu dhacsanaay ayaa ku ciil baxday
Ipswich T waxayna uga badisay 7 iyo waxba, waxaana goolasha u kala dhaliyay
S. Kalou,D. Sturridge 2-gool, C. Edwards, N. Anelka,  iyo  F. Lampard oo asana 2-gool dhaliyay
.


Kooxaha Caawa Ciyaaray FA CUP-ka sidan ayay
ukala badiyeen. Manchester U. 1 - 0 Liverpool Tottenham H. 3 - 0 Charlton Athletic Chelsea 7 - 0 Ipswich T. Leicester C. 2 - 2 Manchester C
.

Ajax oo Sansiro ku dubatay AC Milan  9/01/2011

Picture
.MILAN (AP)— Ajax a ayaa 2-0 dusha u saarisay AC Milan ciyaartii ugu danbeysay ee tartankan Champions League sidaana ay ku xaqiiqsatay iney ka qeybgali doonto Europa League.

Milan horey ayeey wajiga 2aad u xaqiijisay iney u soo baxday, halka kooxda reer Dutch ay booska 3aad kaga dhameysatay Group G iyadoo 7 dhibcood wadata.

Milan kaalinta 2aad ayeey ku so baxday group-ka iyadoo 8 dhibcood wadata ,waxey ka hooseysaa Real Madrid oo leh 16 dhibcood.

MADRID (AP)—Karim Benzema ayaa 3 ka mid ah u dhaliyay Real Madrid 4-0 ay kaga adkaatay Auxerre sidaana ay booska 1aad ugu soo baxday group-keeda Champions League.

Madrid oo 9 koob heysata  waxey dhalisay goolkeedii 300aad ee ee ay tartankaan ka dhaliso.

Madrid waxey Group G kaga soo baxday 16 dhibcood markii ay badisay 5 ka mid ah 6dii kulan oo ay ciyaartay.

Ciyaarahaani waxey dib u bilaaban doonaan February iyadoo isku aadka la sameyn doono 16 ka bishaan.




 Barcelona oo si weyn u dooneysa Samir Nasri    08/01/2011

Picture
Kooxda Barcelona oo in muddo ah u hanqal-taageysay laacibka qadka dhexe kubadda uga qaabeeya Arsenal ee Febragas ayaa haatan iska ilaaway, waxa ayna iminka ku fekerayaan Samir Nasri .

Hamiga Barcelona ayaa yimid ka dib markii ay arkeen in Arsenal u muuqan in ay hishiis cusub la galeyso Nasri .

Balse Arsenal ayaa hurdada haatan ka toostay, waxa ayna bilaawday wadahadalo hishiiska loogu kordhinayo Nasri .
Hishiis ku siman 4-sano ayay Arsenal dooneysaa in la gasho laacibkaasi, iyadoo todobaadkiina uu qaadanayo mushaar dhan 75-kun oo Gini.

Aabaha Samir ee Xaamid ayaa sheegay in wiilkisa uu yar yahay, weli uuna leeyahay mustaqbal ciyaareed .
"Heerka uu haatan joogo, Arsenal ayaa geysay, waxaana jeclahay in Arsenal uu sii joogo", ayuu intaa raaciyay.

Tafatire: Yusuf Ahmed Ali
[email protected]
qoryooleynet.weebly.com

Ciyaaryahan Somaliya oo ka been sheegay naftiisa January 8, 2011

Picture
Xiddiga u dhashay Brazil ayaa ka been sheegay naftiisa markii uu warbixin been ah ku sheegay in la afduubtay, kooxda afduubatana ay lacag ka rabaan hayeeshee booliska ayaa soo ogaaday iney been tahay arrintaasi balse uu arrintaasi u sameeyay markii uu ka daahay tababarka kooxda.

Ciyaarahankaan oo la yiraah Somalia, khadka dhexana uga ciyaara kooxda magaalada Rio de Janeiro ka dhisan ee Botafogo, ayaa sheegay in ay afduubteen kooxo hubeysan saacadu markii ay aheyd 0700 xilliga dalka Barzil xilli uu u socday tababarka kooxda.

Laakiin police-ka ayaa waxey sheegeen in caamerada CCTV loo yaqaano ee dhismaha uu dagan yahay ku dhagan sawiro ay qaaday ay muujinayaan inuu xilli danbe ka tagay gurigiisa gaar ahaan saacadu markii ay aheyd 0900.

Kooxda Botafogo waxey ugu hanjabtaa ciyaartoydeeda in ciyaaryahankii ka soo daaha tababarka kooxad la jarayo 40% lacagta la siiyo ee uu mushaarka u qaato.

Somalia, ciyaaryahanka la yiraah magaciisa oo rasmiga ah wuxuu yahay Paulo Rogerio Reis da Silva.

Saraakiil u hadashay Police-ka waxey sheegeen in hadii ay ku cadaato inuu ka been sheegay afduubkiisa uu muteysan doono 6 bilood oo xarrig ah.

Somalia,maalintii shalay aheyd waxaa lagu arkay isagoo tababarka jooga , fadeexada ku soo baxdna kama uusan hadal wali.



Hodgson oo ka tagay shaqadii Liverpool

Picture
LONDON,(CIYAARO) 08/01/2011 Macalin Roy Hodgson ayaa iskaga tagay shaqadii Liverpool maantay oo sabti ah wax lagu sheegay is faham dhexmaray isaga iyo maamulka waxaana si kmg ah xilkaasi loogu dhiibay Kenny Dalglish oo ciyaartooydii hore ee kooxdaasi ka mid ahaa.

Hodgson, oo Liverpool kaga yimid Fulham bishii tagtay ee July sanadkii hore, waxaa saarnaa cadaadis xoogan oo kaga imaanayay maamulka iyo taageerayaasha markii uu guuldarooyin xun xun kala kulmay Wolverhampton Wanderers iyo Blackburn Rovers.

Wuxuu kooxda kaga tagay iyadoo qarka u saran heerka kooxaha laaban doona booska 12aad , waxeyna tagistiisa ku soo beegantay maalin ka hore xilli ay beri Liverpool u safreyso Manchester United oo ay wada ciyaari doonaan FA Cup.

[email protected]
qoryooleynet.weebly.com



Jaamac karaaciin oo bilada macalinka ugu fiican carabta la siiyay

Picture
Macalinka Ciyaaraha fudud ee xulka Qatar Jaamac Maxamuud Aaden (J Karaaciin) oo ah nin Soomaali ah ayaa maantay oo bishu tahay 6 January 2011 waxaa magaalada Dubai lagu siiyay Bilada macalinka sanadka ee macalinka ugu fiican dalalka carabta oo dhan xagga ciyaaraha fudud.

Gudoomiyaha guddiga Olympic-da Soomaaliyeed Aaden Xaaji Yabarow (Wiish) ayaa noqday shaqsigii ugu horeeyay ee hambalyo u dira macalin Jaamac karaaciin, kaasoo sheegay iney ilaa iyo yaraantiisii is yaqaaneen.

Mr Wiish wuxuu sheegay in Karaaciin uu u qalmo abaalmarinta la siiyay maadaama uu yahay nin howlkar ah oo mudo fara badana ka soo shaqeynaayay dalalka carabta, wuxuu intaa ku daray in Karaaciin aan lagu heysan ciyaaraha fudud gaar ahaan kuwo dhexe.

Gudoomiye Wiish isagoo  ku hadlaya magaca Olympic-da Soomaaliya iyo bahda sports guud ahaan wuxuu hamblayo u dirayaa Macalin Jaamac karaaciin, isagoo ku ku booriyay inuu dadaalkisii sii labalaabo.

.

Waxaan dhamaan inta soo booqata bogga qoryooleynet.weebly.com qeybihiisa kala duwan la socodsiineynaa in ay dhismo iyo dib u habeyn balaaran ku socoto, dhamaadka bishan aan hawada soo galin dono warar Sport calami ah insha allaah.
Bahda qoryooleynet.weebly.com
waxii su ala ah naga so waco ama inoo so dira e-mail.
Yuusuf Ahmed Ali ( Yusuf Jaa)      0046-720193531
[email protected]